Muqdisho (Dawan) — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhawaan la burburiyey. Maamulka ayaa sheegay in ganacsatadii hore dib loogu celin doono goobahooda marka dib-u-dhiska la dhammaystiro.
Sida uu shaaciyey Maamulka Gobolka Banaadir, mashruuca waxaa dhagax-dhigay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), waxaana loogu talagalay dib-u-habaynta suuqa oo maamulku sheegay inuu ka mid yahay hantida danta guud ee Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Maamulka ayaa sheegay in dib-u-dhiska Suuqa Siinaay uu qayb ka yahay qorshe lagu casriyeynayo suuqyada caasimadda, laguna horumarinayo kaabayaasha ganacsiga iyo adeegyada ay isticmaalaan ganacsatada iyo dadweynaha.