Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay koronto bilaash ah gaarsiisay 583 xarumood oo bixiya adeegyada danta guud, kuwaas oo isugu jira isbitaallo, xarumo waxbarasho iyo hay’ado dowladeed oo ku kala yaalla gobollada dalka.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Maxamed Cabdullaahi, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in xarumahaasi ay helaan koronto joogto ah oo shaqaysa habeen iyo maalin, taas oo muhiim u ah sii socoshada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Wasiiru-dowluhu wuxuu xusay in xarumaha caafimaadka ee ka faa’iideysta barnaamijkan ay ka mid yihiin Isbitaalka Banaadir, Isbitaalka Martini, Isbitaalka Xoogga iyo Isbitaalka Madiina. Sidoo kale, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda ayaa ka mid ah xarumaha la gaarsiiyay korontada bilaashka ah.
“Isbitaalka Xoogga ayaa ka mid ah, Banaadir ayaa ka mid ah, Martini ayaa ka mid ah, Madiina ayaa sidoo kale ka mid ah, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeedna waxay ka mid tahay goobaha aan korontada bilaashka ah gaarsiinay,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu intaas ku daray in barnaamijku uusan ku koobnayn magaalada Muqdisho, balse uu gaarsiisan yahay gobollada kala duwan ee dalka.
“Si kale haddii aan u dhigo, 583 xarumood oo bixiya adeegyada danta guud ayaan koronto bilaash ah siinnaa, kuwaas oo ku kala yaalla dhammaan gobollada dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.