Kenya, Maarso 22, 2026 (Dawan) – Dalka Kenya ayaa si istiraatiiji ah, dib u qaabeynaya qaybta dalxiiska, isaga oo ka guuraya qaabkii hore ee ku saleysnaa safarrada Safari-ga iyo duurjoogta, una weecanaya dalxiiska safarrada badda iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Kenya waxay ku caan baxday dalxiisa savanna-da iyo duurjoogta , taasoo ka dhigtay dalxiiskeeda mid guul weyn gaaray, balse hadda waxay la timid qorshe cusub guushaas lagu sii xajinayo.
Iyada oo la amba qaadeysa isbeddelka hababka safarka ee caalamka ka socda, dowladda Madaxweyne William Ruto waxay u aragtaa dalxiiska arrin muhiim ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha, halkii uu ka ahaan lahaa kaliya adeeg dhaqameed.
Dekedda Mombasa ayaa marti gelisay kororka tirada maraakiibta safarka badda, iyadoo dib u habeyn lagu sameeyay waddooyinka dalxiiska caalamiga ah. Dalxiiska safarrada badda wuxuu isku xiraya kala duwanaanta juqraafi, isagoo xoojinaya tartanka Kenya ee dalxiiska adduunka.
Horumarinta dekedda safarrada badda ee Mombasa ayaa qayb muhiim ah ka ah qorshahan, iyada oo la ballaarinayo awooda martigelinta, lana hagaajinayo qaabka soo dhaweynta dalxiisayaasha, si kor loogu qaado tartanka Kenya iyo Afrika guud ahaan.
