Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ballanqaadday in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay heli doonaan xuquuq iyo mushaar la mid ah tan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sida yy sheegay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) Axaddii.
Tallaabadan ayaa timid kadib kulamo ay yeesheen saraakiil sare oo dhinaca amniga ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Sida uu sheegay SNTV, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xallinta tabashooyin la xiriira maamulka iyo howlgalka Ciidanka Daraawiishta ee ka howlgala deegaanka Awdiinle ee Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in kulamadaasi ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu xoojinayo is-dhexgalka ciidamada federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo adkeeyo howlaha amniga.
Saraakiisha amniga ayaa ku boorriyay Ciidanka Daraawiishta inay sii wadaan waajibaadkooda, iyagoo u ballanqaaday in dowladda federaalka ay ka shaqeyn doonto mideynta xuquuqdooda iyo tan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.


