Muqdisho (Dawan)- Daryeel Podcast, Xalqada toddobaadkan waxaa lagu falanqeeyay cudurka dhiig-karka, oo inta badan loo yaqaan “Dilaaga Qarsoon”, maadaama uu qofka ku dhici karo isagoo aan lahayn calaamado muuqda.
Waxaa marti ku ahaa Podcastiga Dr. Cabdullaahi Jaamac Abib oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada guud, isla markaana ah Agaasimaha Caafimaadka ee Isbitaalka Siman. Wuxuu leeyahay in ka badan 25 sano oo khibrad caafimaad iyo hoggaamineed ah, isaga oo ka soo shaqeeyay gudaha Talyaaniga iyo Soomaaliya., halka barnaamijka ay daadihinaysay Dr. Ubax Faarax Axmed.
Ka qeyb-galkiisa Daryeel Podcast wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo fahamka bulshada ee cudurrada halista ah, gaar ahaan kuwa aan lahayn calaamado hore oo cad. Barnaamijku wuxuu bulshada siinayaa fursad ay si fudud ku fahmaan talooyinka dhakhaatiirta iyo sida looga hortagi karo cudurrada saameynta weyn ku leh nolosha dadka Soomaaliyeed.
Dhakhtarka oo ka jawaabaya halista cudurkaan dhiig-karka dhaqaatiirtana ay u yaqaanaan “dilaaga qarsoon” wuxuu Dr. Abib si faahfaahsan uga hadlay sababta dhiig-karka loogu bixiyo magacan, isaga oo sheegay in cudurkan uu muddo dheer qofka ku jiri karo isaga oo aan lahayn calaamado muuqda. Wuxuu xusay in mararka qaar qofku ogaado cudurka xilli uu hore u saameeyay xubno muhiim ah sida wadnaha, maskaxda, iyo kelyaha.
“Dhiig-karku waxaa loogu yeeraa dilaaga qarsoon, sababtoo ah qofka isaga oo qaba, uu muddo dheer la noolaan karaa isaga oo aan wax calaamad cad ka dareemin…Marka calaamadaha dhiig-karku muuqdaan, mararka qaar cudurku wuxuu hore u saameeyay xubno muhiim ah oo jirka ka mid ah”ayuu yiri Dr. Cabdullaahi Jaamac Abib
Dr. Abib wuxuu bulshada ku boorriyay in aysan sugin calaamado muuqda, balse ay si joogto ah u cabbiraan cadaadiska dhiigga, gaar ahaan dadka miisaankoodu badan yahay, kuwa cusbada badsada, dadka aan sameyn dhaqdhaqaaq joogto ah ama jimicsi, iyo kuwa leh balwada sida sigaarka ama qaadka.


