Muqdisho (Dawan) – Dawan Media, oo loo marayo Dawan Academy, ayaa iskaashi la sameysay SIMAD Creative Studio si loo daahfuro barnaamij tababar cusub oo lagu magacaabo “Journalism 360,” kaas oo loogu talagalay horumarinta xirfadaha saxafiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijkan oo socon doona muddo laba toddobaad ah ayaa lagu qaban doonaa Jaamacadda SIMAD, waxaana ka qeyb geli doona 20 saxafi oo la soo xulay, kuwaas oo heli doona tababar isku dhafaya aqoonta newsroom-ka, xirfadaha wax soo saar, iyo adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah
Tababarka ayaa ka koobnaan doona mowduucyo ay ka mid yihiin anshaxa saxaafadda, qorista sheekooyinka muuqaalka leh, duubista iyo tafatirka muuqaalka, motion graphics, iyo adeegsiga garaadka macmalka ah, iyadoo la xoojinayo awoodda saxafiyiinta ee ka shaqeynta warbaahinta dijitaalka ah.
Maamulaha guud ee Dawan Media, Calinuur Salad, ayaa sheegay in barnaamijkani uu ka tarjumayo baahida loo qabo saxaafad la jaanqaadi karta isbeddelka casriga ah.
“Saxaafadda Soomaaliya waxay galaysaa marxalad cusub oo ay isku dhafan yihiin sheeko-warrimeed, teknoolojiyad iyo kalsooni. Journalism 360 waxaa loogu talagalay in lagu diyaariyo saxafiyiin si kalsooni iyo xirfad leh uga jawaabi kara isbeddelkaas.”
Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda dhismaha saxafiyiin badan oo leh xirfado kala duwan, isagoo yiri: “Ma tababarayno wariyeyaal keliya waxaan dhiseynaa saxafiyiin leh xirfado kala duwan oo awood u leh inay qoraan, soo saaraan, xaqiijiyaan xogta, isla markaana la jaanqaadaan deegaanka dhijitaalka ah iyo kan AI, iyagoo ilaalinaya anshaxa saxaafadda.”


