Muqdisho (Dawan) – Dawan Media, oo ah madal warbaahineed Soomaaliyeed oo hormuud ah, ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay daah-furka “Daryeel,” oo ah podcast-kii ugu horreeyay ee Af-Soomaali ah ee si gaar ah diiradda u saaraya caafimaadka, waxaana martigelinaysa dhakhtar carruurta iyo hoggaamiye caafimaad oo caan ah, Dr. Ubax Faarax.
Podcast-kan toddobaadlaha ah waxa uu soo gudbinayaa wacyigelin caafimaad oo ku saleysan cilmi iyo xaqiiqo, wareysiyo lala yeelanayo khubaro, iyo dooddo ku dhisan dhaqanka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo awoodda qoysaska Soomaaliyeed inay helaan macluumaad caafimaad oo la isku halayn karo, kuna baxa luqaddooda hooyo.
Ereyga “Daryeel” waxa uu ka tarjumayaa himilada barnaamijka oo ah : in la isku xiro aqoonta caafimaad iyo nolosha maalinlaha ah ee qoysaska, iyadoo la siinayo talooyin caafimaad oo fudud, sax ah, oo la hirgelin karo.
Qayb kasta waxay ka hadlaysaa mowduucyo kala duwan sida:
* Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka
* Tallaalka iyo nafaqada
* Caafimaadka maskaxda
* Ka hortagga cudurrada joogtada ah
* Caafimaadka taranka
* Iyo arrimaha cusub ee saameeya bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda
" Waqti dheer, macluumaadka caafimaad ee badbaadin kara nolosha waxa uu ka maqnaa qoysas badan oo Soomaaliyeed, sababo la xiriira caqabadaha luqadda iyo helitaanka ilo lagu kalsoonaan karo. Daryeel waxa loo sameeyay in arrintaas wax laga beddelo. Ujeedadeennu waa mid cad oo ah; in guri kasta oo Soomaali ah uu noqdo mid caafimaadkiisu wanaagsan yahay iyada oo loo marayo aqoon, wada hadal iyo daryeel" sidaa waxaa tiri; Dr. Ubah Faraax, martigeliyaha Daryeel
Martigeliyaha Daryeel: Dr. Ubax Faraax
Dr. Ubax Faraax waa dhakhtar carruurta ah oo leh in ka badan 20 sano oo khibrad ah oo ku saabsan adeegyada caafimaadka, hoggaaminta ha'aydaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah. Waxay wax ku soo baratay Jaamacadda La Sapienza ee Rome, waxayna door muhiim ah ka qaadatay dejinta siyaasadaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligii ay ahayd Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka.
Waxay sidoo kale ka mid tahay aasaasayaasha Ururka Dhakhaatiirta Carruurta Soomaaliyeed, waxayna ugu dambeyn ahayd Khabiir u dooda caafimaadka carruurta oo ka tirsan UNICEF ilaa Abriil 2026, halkaas oo ay hormuud ka ahayd barnaamijyada badbaadinta carruurta iyo tallaalka.
Dr. Ubax waxaa si weyn loogu aqoonsan yahay hoggaamiye dhinaca caafimaadka carruurta iyo siyaasadda caafimaadka, waxayna Daryeel ku soo kordhinaysaa isku-darka aqoon caafimaad, faham siyaasadeed iyo khibrad bulshada hoose.
Maxay bulshadu ka filan kartaa Daryeel?
Podcast-ka Daryeel waxa la sii deyn doonaa toddobaad kasta, wuxuuna soo bandhigi doonaa:


