Jigjiga (Dawan ) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u bilaawday dhismaha Buundada Qubbi ee Togga Erer, oo ah mashruuc kaabayaal dhaqaale oo muhiim ah laguna horumarinayo isku xirnaanta gobolka.
Dowlad Deegaanka ayaa sheegtay inay u qorsheysay in mashruuca uu ku kacayo 5.4 million USD (300 milyan oo shilin Itoobiyaan ah), waxaana la filayaa in lagu dhammeystiro 18 bilood gudahood.
Mashruuca ayaa si rasmi ah uu u bilaabay July 5 2025 Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim , oo ay wehliyeen masuuliyiinta Xafiiska Horumarinta Waraabka, Wasaaradda Curinta iyo Tignoolajiyada, iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Erer iyo degmada Qubbi.