Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u daah-furtay wajiga labaad ee ol’olaha qaran ee #ItoobiyaNadiifah, kaas oo ujeeddadiisu tahay la dagaallanka wasakhowga, horumarinta nadaafadda, iyo ku-dhex-dhiska ilaalinta deegaanka qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka.
Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday magaalada Jigjiga 17 juun 2025 waxaa si wadajir ah u furay Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar, iyo Lelise Neme, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ilaalinta Deegaanka ee Itoobiya (EPA).
Ol’olaha oo xambaarsan hadda halkudhigga "Deegaan Nadiif ah", wuxuu xoogga saaraya wacyigelinta bulshada, hirgelinta xeerar lagu xakameynayo qashinka, iyo in ilaalinta deegaanka la waafajiyo dadaallada horumarineed ee deegaanka.
“Ilaalinta deegaanka waa mas’uuliyad bulsho iyo waajibaad dowladeed. Wacyi-gelin iyo waxbarid ayaa ah dariiqa ugu fiican, balse cid kasta oo si ula kac ah ugu daadiya qashinka waddooyinka waa in lagu qaadaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.
Wajigii koowaad ee ol’olaha #ItoobiyaNadiifah waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay 26-kii Abriil 2024 magaalada Addis Ababa, iyadoo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Wuxuu xambaarsanaa halkudhigga “Magaalooyin Nadiif ah – Nolol Caafimaad leh”, iyadoo xoogga la saaray nadaafadda magaalooyinka, dhismaha musqulo casri ah oo dadweyne, iyo wacyigelin baahsan oo dalka dhan ah.
Wajiga Labaad ee Ololahaan ayaaDiiradda Lagu Saarayaa:
Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ah ee DDS ayaa hoggaaminaya hirgelinta ol’olahan, iyadoo la hubinayo in hay’adaha kala duwan iyo bulshada ay si buuxda uga qayb qaataan.



