Jigjiga, Itoobiya - Magaalada Jigjiga ayaa martigelisay shirweynaha dhalinyarada ee dowlad deegaanka Soomaalida, kaasoo si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.
Shirkan oo socon doona saddex maalmood ayaa shalay furmay isagoo isu keenay boqolaal dhalinyaro ah oo ka kala yimid 11-ka gobol ee deegaanka. Ujeedada shirweynahan ayaa ah in dhalinyaradu ka arrinsadaan waxbarashada, shaqo abuurka, iyo kaalintooda ku aaddan horumarinta bulshada.
Munaasabadda Furitaanka Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha DDS,madaxweynha dhallinyarada DDS Fu’aad Gana, Wasiirka Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo masuuliyiin kale.