Jigjiga (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa Jimcihii daahfuray mashruuc waraab oo ku shaqeeya tamarta cadceedda, kaas oo laga hirgeliyay degmada Godey, looguna talagalay horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo taageerada beeraleyda danyarta ah, sida uu sheegay TV-ga SRTV.
Mashruucan oo laga fuliyay deegaanka Cillaan, waxaa hirgelisay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), iyadoo kaashanaysa Hay’adda OWDA.
Mas’uuliyiin heer deegaan ah, oo uu ka mid yahay Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Xuseen Xaashi Qaasim, ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka, waxaana sidoo kale goob-joog ahaa wakiillo ka socday safaaradda Jarmalka iyo hay’adaha la-hawlgalayaasha ah.


