Jigjiga (Dawan)- Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa qorshaynaysa inay sannadkan canshuurta hantida maguurtada ah ka ururiso 1 bilyan oo birr, oo u dhiganta qiyaastii $6.2 milyan, sida uu Madaxweyne ku-xigeenka deegaanka Ibraahim Cusmaan Faarax ka sheegay magaalada Marmaarsa ee gobolka Sitti Jimcihii.
Ibraahim ayaa hadalka jeediyay xilli isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay goob-joog ka ahaayeen bilowga diiwaangelinta hantida maguurtada ah ee Marmaarsa, sida uu sheegay telefishinka deegaanka ee SRTV. Wuxuu sheegay in dakhliga la qorsheeyay laga ururin doono maamullada magaalooyinka cusub iyo kuwii hore.
Marmaarsa ayuu sheegay in sannadkan loo qorsheeyay 209 milyan oo birr, oo u dhiganta qiyaastii $1.3 milyan, oo ka imanaya canshuurta hantida maguurtada ah.