Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Talaado ah booqday Xarunta cusub ee Shirarka Caalamiga ah ee Jabuuti, isagoo sheegay in xaruntu ay dalka u suurtagelin doonto martigelinta shirar waaweyn oo heer qaran, gobol iyo caalami ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
“Waan ku faraxsanahay in dalkeennu helay kaabayaashan, oo ah madal casri ah oo ku habboon martigelinta kulammada waaweyn,” ayuu Geelle u sheegay saxaafadda kadib booqashada.
“Helitaanka xaruntan waxay dalkeenna siinaysaa fursad uu ku martigeliyo kulammo iyo wada-hadallo muhiimad qaran, gobol iyo caalami leh, iyadoo ay ka jirto xasillooni buuxda,” ayuu raaciyay.