Jabuuti (Dawan) – Hay’adda Jabuuti ee Horumarinta Bulshada (ADDS) ayaa Isniintii shahaadooyin tababar xirfadeed guddoonsiisay 118 dhallinyaro ah oo ka soo jeeda xaafadaha Layableh iyo Moustiquaire ee degmada Balbala, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Tababarku wuxuu qayb ka ahaa Barnaamijka Horumarinta Magaalooyinka ee Isku-dhafan (PDUI2 Ter), kaas oo lagu fuliyo taageerada Hay’adda Horumarinta Faransiiska (AFD). Xafladda oo ka dhacday Xarunta Al Rahma waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Wadajirka, Uluufa Ismaaciil Cabdo, Wasiirka Dhallinyarada iyo Dhaqanka, Firdowsa Muuse Cige, Safiirka Faransiiska u fadhiya Jabuuti, Jérôme Bresson, iyo Duqa Degmada Balbala, Maxamed Xasan Siciid.
Hay’adda Jabuuti ee Horumarinta Bulshada (ADDS) ayaa sheegtay in tababarka loogu talagalay in dhallinyarada la siiyo aqoon iyo xirfado la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada, si loogu fududeeyo helitaanka shaqo iyo isku-filnaansho dhaqaale, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda xaafadaha danyarta ah.