Jigjiga (Dawan) — Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sabtidii gobolka Sitti ka bilowday mashruuc beereed oo lagu horumarinayo 1,000 hektar, kaas oo ku kacaya ku dhowaad hal bilyan oo birr, una dhiganta qiyaastii $6.2 milyan oo doollar.
Mashruuca ayaa looga gol leeyahay in lagu kordhiyo wax-soo-saarka beeraha, laguna dhiirrigeliyo bulshada inay ka qaybqaadato ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.
Munaasabadda lagu daahfuray mashruuca waxaa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Dowlad-deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cismaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha, Xuseen Xaashi Qaasim, madax ka socotay shirkadda fulinaysa mashruuca, ganacsato iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay inay door firfircoon ka qaadato wax-soo-saarka deegaanka, isagoo ku baaqay in la xoojiyo maalgelinta iyo ka faa’iidaysiga fursadaha dhinaca beeraha.