Jabuuti (Dawan) – Dekedda Jabuuti ayaa kaalinta saddexaad ka gashay dekadaha ugu waxqabadka wanaagsan Afrika marka la eego gaadiidka badda iyo adeegyada dekedaha, sida lagu sheegay warbixinta Qiimeynta Waxqabadka Dekedaha Kunteenarada (CPPI) 2025 oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Bangiga Adduunka iyo S&P Global Market Intelligence.
Warbixinta ayaa muujisay in Dekedda Jabuuti ay heshay 62.6 dhibcood, taasoo ka dhigtay dekedda saddexaad ee ugu waxqabadka wanaagsan qaaradda Afrika, iyadoo ay ka horreeyaan oo keliya dekedaha Tanger Med ee Morocco iyo Port Said ee Masar.
Mas’uuliyiinta Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (APZFD) ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay dadaallo lagu horumarinayay hufnaanta howlaha dekedda, gaar ahaan dhimista waqtiga ay maraakiibtu ku qaataan sugitaanka iyo ku xirashada dekedda, kuwaas oo ka mid ah cabbirrada ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo waxqabadka dekedaha caalamka.
Horumarkan ayaa si weyn loogu nisbeeyay waxqabadka Dekedda Casriga ah ee Doraleh, oo ku taalla marin istiraatiiji ah oo ku dhow Badda Cas. Dekeddan ayaa leh qalab casri ah iyo awood ballaaran oo lagu maareeyo xamuulka konteenarada, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee saadka iyo ganacsiga gobolka.
Madaxweynaha Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti, Abuubaker Cumar Hadi, ayaa sheegay in natiijadan ay ka tarjumeyso sannado badan oo dadaal iyo maalgashi lagu horumarinayay waxqabadka dekedaha dalka.