Muqdisho (Dawan) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Mustaqbalka Soomaaliya.
Imaanshaha labada madaxweyne ayaa ku soo beegmaya xilli Muqdisho diyaar garow ugu jirto martigelinta shirka wada-hadalla oo diiradda saari doona arrimaha siyaasadda, oo ay ka mid yihiin doorashooyinka soo socda iyo arrimaha dastuurka.
Shirka ayaa lagu wadaa in lagu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed ee doorashooyinka.







