Gaalkacyo (Dawan)— Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay magaalada Gaalkacyo mashruuc lagu horumarinayo nidaamka biyo-mareennada iyo maaraynta biyaha magaalada.
Mashruuca ayaa loogu talagalay in wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhasha biyaha roobka, kuwaas oo saameeya isu-socodka, deegaanka, bilicda iyo nolosha dadka ku nool Gaalkacyo.
Wejiga koowaad ee mashruuca ayaa lagu qiyaasay inuu ku kacayo $3 milyan, iyadoo Dowlad-goboleedka Puntland ay ballanqaadday inay bixiso $1 milyan.
Dhaqaalaha intiisa kale waxaa la filayaa in ay ka qayb qaataan ganacsatada, shirkadaha gudaha, bulshada iyo qurbo-joogta reer Puntland.
Munaasabadda daah-furka oo uu soo qabanqaabiyey Guddiga Horumarinta Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo bandhigay qorshaha guud ee mashruuca, heerka uu marayo diyaar-garowgiisa iyo habka loo fulinayo.
Guddigu wuxuu sheegay in qandaraaska mashruuca dhawaan si rasmi ah loo xayeysiin doono, iyadoo shirkadaha danaynaya ay ugu tartami doonaan hannaan daah-furan.