Qardho (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kulan bogaadin ah la qaatay saraakiisha ammaanka Puntland ee ku lugta leh howlgalka Calmiskaat, magaalada Qardho maalinnimadii Talaadada, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo caqabado uu sheegay inay ku wajahan yihiin nidaamka federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo diiradda lagu saaray amniga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida, ayaa Madaxweyne Deni waxa uu si cad u muujiyay walaac ku saabsan waxa uu ku tilmaamay “ficillo bareer ah” oo lagu wiiqayo nidaamka federaalka iyo dastuurka dalka.
Waxa uu sheegay in ay socdaan dadaallo muuqda oo lagu burburinayo hanaanka dowladnimo ee ku dhisan federaalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrimahaasi ay khatar ku yihiin midnimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
“Waxaa jira dhaq-dhaqaaqyo cadcad oo lagu doonayo in lagu dumiyo nidaamka federaalka, laguna tunto dastuurka dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, isaga oo hadalkiisa sii raaciyay su’aal ku saabsan mustaqbalka dalka haddii nidaamka federaalka la burburiyo, iyo waxa lagu beddeli karo.


