Muqdisho (Dawan Africa) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo, kaddib kacdoon ka dhan ah maamulkii gobolka ee ku soo baxay doorashadii la isku khilaasan yahay, xilli saakay uu dagaal aan saacado badan qaadan uu ka dhacay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda muddo dheer ku mashquulsaneyd xal u helidda xaaladda Koonfur Galbeed, si loo taageero shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaas.
Sida lagu xusay bayaanka, dadaalladaas ayaa la sheegay inay hor istaageen maamulkii laftagareen uu hogaaminayay, taasoo keentay in xiisado siyaasadeed ay sii xoogaystaan.


