Muqdisho (Dawan)- Dhameystirka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG: Fursaddii ugu fiicnayd 12 sano ka dib.
Waxaa qoray Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada JFS, Senator hore ee Aqalka Sare BFS-Xoghayihii Guddiga Dastuurka
Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo mar kale dib u hanata dhammaan adeegyada ay dawladi bixiso.
23 sano ka dib, waxaa ay Soomaaliya weli la halgameysaa heshiis inay ka gaarto dawladnimo la isla ogol yahay, dibna u soo celisa kalsoonidii iyo aaminaaddii lagu waayey dagaaladii sokeeye iyo wixii dhaliyay dagaaladaas.
"Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay ayaa ah aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan"
Muddadaas dawlad dhiska ay socotay, Soomaaliya waxaa ay yeelatay laba Axdi (Axdiga Qaran ee KMG-Carta iyo Axdiga Federaalka ee KMG- Mbagathi) iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira. "Nasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 wasiir dastuur, dhowr guddi dastuur iyo ku dhowaad $100 milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, daweynahana afti ku ogolaadeen"
Si loo helo dastuurka aan hadda haysano ee KMG ah, dawladnimada Soomaaliya waxaa ay soo martey geedi-socod dheer oo qaatey illaa 12 sano. Carta oo lagu soo dhisay dawladdii KMG, Mbagathi oo iyana lagu soo dhisay dawladdii Federaalka ee KMG, Djibouti oo marka kale lagu soo dhisay dawlad midnimo qaran, Kampala Accord iyo shirar kala duwan oo ka dhacay Garowe, Addis Ababa iyo Nairobi, ayay dawladnimada Soomaaliya oo ay kaabayaan saaxiibada caalamka kaga baxdey kumeel-gaarnimadii balse natiijadu ay noqotey Dastuurka KMG oo weli qabyo tir u baahan.
Wixii markaas ka danbeeyay madaxda Federaalka iyo kuwa DXDF oo gudanaya waajibaadkooda kaga aaddan dhameystirka dastuurka KMG sida uu farayo isla Dastuurka KMG (qodobada 44, 54, 122 iyo kuwo kale) waxay sameysteen jadwal shaqo iyagoo yeeshey kulamo joogto kuna heshiiyay (marka laga reebo Puntland) dhammaan qodobadii wadaxaajoodka u xayirnaa ee dib-u-eegista Dastuurka una gudbiyay guddiyada dib-u-eegista Dastuurka KMG si ay luuqad Dastuuri ah ugu qoraan uguna gudbiyaan BFS labadiisa Aqal si loo ansixiyo.
Haddaba haddii la xalliyay inta badan caqabadihii muddada soo hortaagnaa dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka oo hoggaanka Federaalka iyo kuwa DXDF ay la yimaadeen dadaal, is-aaminaad iyo rabitaan siyaasadeed kana heshiiyeen qodobadii iyaga ku xirnaa, wadashaqeynta labada Aqal sidii loo baahnaa ay tahay, guddiyada dastuurkana xubnihii ka maqnaa ee Dawlad Goboleedyada loo soo dhameystiray, markii ugu horeysayna Dastuurka uu saaran yahay miiska labada Aqal, soo ma noqoneyso fursaddii ugu fiicnayd oo lagu dhameystiri karo Dastuurka KMG? Haddiise maanta laga faa’ideysan waayo fursadaha jira goormaa iyo yaa dhameystiri doona? Soo ma dhici karto in 12 sano oo kale ay nagu qaadato sidaasna ay ku fashilanto dawladnimada Soomaaliya?
Ma nuxurka qodobada Dastuurka mise isbaaro siyaasadeed?
Iyadoo ay fursadahaas jiraan ayaa weli laga yaabaa in dadka qaar gaar ahaan siyaasiin ay ku doodayaan inay weli caqabado badan jiraan suuragalna ahayn in la dhameystiro dib-u-eegista Dastuurka. Arrimaha ay siyaasiinta qaar ku doodayaan waxaa ka mid ah; latashiyo ku filan oo aan lala sameynin qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiinta, maqnaanshaha Puntland iyo Somaliland, arrimo walaac laga muujiyay ee heshiiska doorashada ku jira sida arrinta nidaamka madaxtooyada iyo kuwo kale.
Aniga fahamkayga, arrimahaas iyo kuwo kaleba waa la xallin karaa ama waaba xallisan yihiin qayb ahaan haddii ay ujeedadu tahay in la dhameystiro dastuurka qabyada ahaa muddada 12 sano ah, ee aaney caqabad siyaasadeed looga gol lahayn.