Soomaaliya, 22 Febraayo 2026(Dawan) — Guddiga gurmadka abaaraha ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa Sabtidii magaalada Boosaaso ka bilaabay olole ballaaran oo dhaqaale ururin ah, iyagoo ku guuleystay inay ururiyaan lacag dhan $82,600. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu samata-bixiyo malaayiin qof iyo xoolo ay saameeyeen abaaraha ba’an ee ka jira deegaannada Puntland.
Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in lacagtii hore oo dhan $220,000, oo Puntland ay ku shubtay akoonka guddiga, inay dhammaatay kaddib markii lagu bixiyey ku dhowaad 4,000 oo booyadood oo biyo-dhaamin ah. Si gurmadka loo sii ballaariyo, ganacsatada iyo jaaliyadaha ayay sheegeen inay bixiyeen tabarucaadkan cusub.
Kulan ay isugu yimaadeen guddiga, ganacsatada iyo mas’uuliyiinta gobolka, oo ka dhacay Boosaaso, ayaa lagu muujiyey walaaca laga qabo xaaladda abaarta oo gaartay meel halis ah, iyadoo meelaha qaarkood ay dad ugu dhinteen gaajo iyo haraad.
Guddoomiye ku-xigeenka guddiga, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo ka hadlayey kulanka, ayaa caddeeyey in lacagaha gurmadka lagu shubi karo oo keliya akoonnada rasmiga ah ee guddigu leeyahay, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo cadaalad. Isagoo baaq u diraya dadka Soomaaliyeed, wuxuu yiri:







