Gaarisa (Dawan) — Dib u furista xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa noqotay mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee ololaha doorashada Gaarisa, kaddib markii murashaxa xilka guddoomiyaha ee magaaladaas, Maxamed Mukhtaar Shidiye, uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono hirgelinta arrintaas haddii loo doorto xilka.
Shidiye, oo hore u soo noqday safiirka Kenya u fadhiya Botswana, ayaa hadalkan ka sheegay isu soo bax siyaasadeed, isagoo xusay in dib u furista xadka ay dib u soo nooleyn doonto ganacsiga xuduudaha, abuurina doonto fursado dhaqaale, isla markaana xoojin doonto xiriirka ganacsi ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya bulshada ku nool labada dhinac ee xadka.
Murashaxa oo sidoo kale hore u soo noqday xildhibaanka deegaanka Lagdera ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kenya kala hadli doono dib u furista xadka haddii la doorto, isagoo ku dooday in xaaladda amni ee xuduudda ay soo hagaagtay, isla markaana ay hoos u dhaceen weerarradii ay geystaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Waxa uu sidoo kale ballanqaaday inuu magaalada Dhadhaab ka dhisi doono suuq weyn oo lagu iibiyo xoolaha, kaas oo la mid noqon doona kan magaalada Gaarisa, islamarkaana lagu iibin doono xoolaha laga keeno Soomaaliya iyo Itoobiya.
Shidiye ayaa sheegay in dib u furista xadka ay sare u qaadi doonto nolosha bulshada, iyadoo la fududeynayo isu socodka ganacsatada iyo badeecadaha u kala goosha Soomaaliya iyo Kenya.
Baaqyada ku aaddan dib u furista xadka ayaa sii kordhaya, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayan in xadku uu si rasmi ah u xiran yahay, balse badeecaduhu ay weli si sharci darro ah uga gudbaan, taasoo dhalisay caqabado iyo xiisado kala duwan.