Jabuuti (Dawan) – Diyaarad militari oo Mareykan laga leeyahay ayaa shalay ku burburtay meel u dhow Garoonka Chabelley ee Jabuuti, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti, iyadoo Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ay xaqiijisay in dhacdadu ay ku lug lahayd diyaarad militari oo Mareykan ah.
Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay markii hore la socotay xaalad degdeg ah oo ku saabsan diyaarad ku jirta hawada Jabuuti, iyadoo shacabka uga digtay inay ka fogaadaan aagga ku dhow saldhigga diyaaradaha ee Chabelley.
War dambe oo ay soo saartay Safaaradda ayaa lagu sheegay in dhacdadu ay ka dhacday agagaarka Garoonka Chabelley, isla markaana ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo faahfaahinta shilka.