Muqdisho, 28 Janaayo 2026 (Dawan) — Saddex diyaaradood oo dagaal oo nooca F-16 ah ayaa Arbacadii soo gaaray Muqdisho, kuwaas oo qeyb ka ah ballaadhinta taageerada ay Turkigu siiso Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Diyaaradahan F-16, oo ay weheliyaan labo diyaaradood oo qumaatiga u kaca ah, ayaa la filayaa inay xoojiyaan howlgallada socda ee ciidamada Soomaaliya ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka, sida ay u sheegeen Dawan Media mas'uuliyiinta dowladda.






