Jabuuti (Dawan)— Djibouti Telecom ayaa maalgashanaysa kobcinta xirfadaha garaad gacmeedka , iyadoo 35 injineer oo ka tirsan shirkadda loo soo gabagabeeyay tababar ku saabsan teknoolojiyaddaas, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Wasiirka Isgaarsiinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Fog, Mohamed Abdoulkader Moussa Helem, ayaa Khamiistii guddoomiyay munaasabadda shahaadooyinka oo lagu qabtay magaalada Jabuuti. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Djibouti Telecom, Mohamed Assoweh, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Dhaqaalaha Dijitaalka iyo Hal-abuurka, Abdallah Ibrahim Omar, iyo khubaro dhinaca garaadka macmalka ah. Helem ayaa sheegay in garaad gacmeedka durba wax ka beddelayo dhaqaalaha iyo maamulka dowladaha, isla markaana Jabuuti looga baahan yahay inay ka faa’iidaysato fursadihiisa iyadoo xakamaynaysa khataraha ka dhalan kara.
Qiimeyn lagu sameeyay heerka diyaargarowga Jabuuti, iyadoo la adeegsanayo habraaca UNESCO ee RAM, ayaa tilmaantay in dalku horumar ka sameeyay isbeddelka dijitaalka ah iyo kaabeyaasha istaraatiijiga ah, balse uu weli u baahan yahay xirfado, maamul iyo cilmi-baaris dheeraad ah.