Addis Ababa, 11 December, 2025 (Dawan)- Dowladda Itoobiya iyo Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa kala saxiixday deeq gaaraysa 184 milyan oo doolar, taas oo lagu taageerayo wejiga labaad ee mashruuca Waddada gaadiida ee xiriirisa wadamada Itoobiya, Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan.
Deeqdan maalgelinta ah ayaa loogu talagalay dhismaha wado cusub oo dhererkeedu yahay 67 kiiloomitir, iskuna xirta Melka Jilo iyo Awash. Waddadan oo si gaar ah laf-dhabar u ah isu socodka magaalooyinka Addis Ababa iyo Jabuuti, waxaa mari doona in ka badan 90% dhaqaalaha Itoobiya uga yimaada dhanka badda, taas oo ka dhigaysa mid muhiim u ah isku xirka ganacsiga, isu socodka gobolka, iyo dadaallada lagu xoojinayo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shiide ayaa sheegay in mashruucu uu si buuxda ula jaanqaadayo Hindisaha Geeska Afrika, isla markaana uu muujinayo sida Itoobiya uga go’an tahay xasilloonida gobolka, iskaashiga istiraatiijiga ah, iyo horumarinta qeybaha kala duwan ee bulshada kuwada nool gobolka.






