Muqdisho (Dawan) — Magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii lagu qabtay dood cilmiyeed looga hadlay sababaha hortaagan xoojinta dowladnimada Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira. Doodda waxaa soo qabanqaabiyey Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga.
Dooddan oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istiraatiijiyadda ayaa ciwaankeedu ahaa " 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐇𝐨𝐫 𝐓𝐚𝐚𝐠𝐚𝐧 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐈𝐧𝐞𝐲 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚𝐭𝐨? waxaana lagu lafa-guray caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa hay’adaha dowladda, saameynta ay reebeen sannadihii dowlad la’aanta iyo tallaabooyinka lagu xoojin karo nidaamka dowladnimo ee dalka.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka hadlay madasha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay duruufo adag oo uu ku tilmaamay kuwo aan dunida inteeda kale ka dhicin, isaga oo muddadii dheereyd ee dowlad la’aanta ku sheegay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee dib u dhigay dowlad-dhiska dalka.
“Soomaaliya waxaa ka dhacay wax aan dunida inteeda kale ka dhicin. Muddadii dheereyd ee ay dowlad la’aanta ahayd ayaa caqabad ku noqotay dowladnimada,” ayuu yiri wasiirku.