Muqdisho (Dawan) — Isbitaalka Shaafi ee magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii markii ugu horreysay Soomaaliya laba qof ugu sameeyey qalliinka beerista maqalka, tallaabo cusub oo la filayo inay ballaariso fursadaha daaweynta dadka qaba maqal-la'aanta daran.
Adeeggan ayaa la daahfuray xilli isbitaalku u dabaaldegayo sannad-guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay aasaaskiisa, waxaana uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee dalka.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Shaafi, Cabdifitaax Aadan, ayaa sheegay in hirgelinta adeeggan ay Soomaaliya ka dhigeyso dalkii sagaalaad ee qaaradda Afrika laga fuliyo qalliinka beerista maqalka.
“Waxaan noqonay waddankii sagaalaad ee Afrika ee sameeya qalliinka beerista maqalka,” ayuu yiri agaasimuhu.