Soomaaliya, 14 October 2025–Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in ururada qaar ee isdiiwaan galiyay aysan wali soo gudbin astaan gaar u ah oo lagu garto ururkooda.
Gudoomiyaha ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu furayay kulan banbaax oo muqidisho ka dhacay maanta, Cabdikariin ayaa ka codsaday ururda isdiwaan galiyay oo gaaray 61 urur siyaasadeed mudda laba bilood gudahood ah u soo gudbiyaan astaantooda. Iasaga oo hadalka ku daray in inta badan aysan wali soo gudbin astaanka lagu aqoonsan doono ururka.
“waajibaadka saaran ururada waxaa ka mid ah in ay soo gudbiyaan astaanta ururada, muddo ku dhaw laba bilood waxaan idinka codsaneynaa in aad soo gudbisaan Astaanta, qaar badan oo idinka mid ah ma aysan keenin wali.”
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in astaanta ururada lagu aqoonsado ay soo gudbiyaan ayna tahay waajib saaran, waxaa hadalkiisa ku daray in xataa ururki aanan sameysan karin laga caawin doono oo iyaga oo ah gudiga doorashooyinka ay u sameyn doonaan.
Gudiga doorashooyinka ayaa hal bil mar kale dib u dhigay dhoorashada golaha deegaanka ee gobolka banaadir. Gudiga ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhigay doorashada lagu madal sanaa in ay muqdisho ka dhacdo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in gobolka banaadir dadka iska diiwaan galiyaya codbixinta ay ku dhawyihiin hal milyan oo qofood.


