Muqdisho, 13 December 2025 (Dawan)- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha (NIEBC), Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in weli aan la go’aamin qaabka loo dooran doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, maadaama aan wali jirin go’aan sharci oo qeexaya cidda leh awoodda doorashadiisa.
Guddoomiyaha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in diyaar-garowga doorashooyinka golayaasha degmooyinka uusan ku jirin kursiga Guddoomiyaha Banaadir iyo kuraasta golaha caasimadda, sababtoo ah arrintan weli waxay u baahan tahay hagid sharci.
Cabdikariin Axmed Xasan ayaa tilmaamay in heshiis siyaasadeed oo hore u dhexmaray Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah mucaaradka uu dhigayo in Golaha Caasimadda, oo ka kooban 97 xubnood, ay dooran doonaan Guddoomiyaha. Hase yeeshee, sharciga hadda jira ee guddigu wuxuu si cad u sheegaya in Guddoomiyaha ay shacabka si toos ah u soo doortaan, taasoo abuurtay is–khilaaf sharci oo u baahan in Baarlamaanka wax ka beddelo.





