Muqdisho (Dawan)— Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa dib u dhigay doorashada isku-sidka ah ee Golayaasha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, taas oo qorshuhu ahaa in maanta, 20-ka Agoosto 2026, ay qabsoonto.
Guddiga ayaa sheegay in dib-u-dhigista doorashada loo sameeyay si loo dhammaystiro hawlaha diyaar-garowga ee doorashada, kuwaas oo ay ka mid tahay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo weli ka socota afar degmo oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Sidoo kale, Guddigu wuxuu sheegay in ururrada siyaasadda la siinayo waqti dheeraad ah oo ay ku sii wataan abaabulka, isla markaana lagu dhammaystiro soo gudbinta liisaska musharraxiinta doorashada.