Hargeysa, 1 Febraayo 2026 (Dawan) — Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqay dib u dhac dhan 10 bilood oo lagu sameeyay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, kuwaas oo loo qorsheeyay inay qabsoomaan 31-ka Maajo, sababo la xiriira walaac amni, abaaro baahsan, iyo caqabado farsamo oo la xiriira diiwaangelinta codbixiyayaasha.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in aysan jirin duruufo saamaxaya qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo, iyadoo la xusay in xaaladda guud ee dalka aanay ku habboonayn hirgelinta doorashooyinka waqtigii loo asteeyay.
“Guddigu wuxuu sameeyay qiimeyn ballaaran oo ku saabsan xaaladda dalka, wuxuuna aqoonsaday caqabado waaweyn oo si toos ah u saameynaya suurtagalnimada qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Caqabadaha la xusay waxaa ka mid ah walaac dhanka amniga ah oo ka taagan gobollo ka mid ah Somaliland, iyo khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hannaanka diiwaangelinta codbixiyayaasha, kuwaas oo adkeeyay qorshaynta iyo diyaargarowga doorashada.
Guddigu waxa kale oo uu tilmaamay abaaro baahsan oo ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah Somaliland, kuwaas oo sababay barakac ballaaran, gaar ahaan miyiga, isla markaana carqaladeeyay hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha.







