Jigjiga (Dawan)— DowladDeegaanka Soomaalida ayaa beenisay inay khatar amni ka jirto Gobolka Doollo, kadob markii ay digniin amni ay kasoo saartay Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa 16-kii Sebtembar. Safaaradda ayaa digniinta ku sheegtay inay ka warqabto khataro suurtagal ah oo ku wajahan ajaanibta, oo ay ku jiraan muwaadiniinta Mareykanka, ee ku sugan Gobolka Doollo ee Deegaanka Soomaalida. Ma aysan faahfaahin nooca khatarta suurtagalka ah, cidda ka dambeyn karta ama dhacdo gaar ah oo digniinta sababtay.
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida ayaa Khamiitsii sheegay in digniinta lagu degdegay oo aanay ka tarjumayn xaaladda dhabta ah ee nabadgelyo ee gobolka. Maamulka ayaa ku eedeeyay safaaradda inay digniinta soo saartay iyada oo aan xaqiijin iyo wadatashi ku filan la samayn maamulka deegaanka iyo hay’adaha ammaanka.