Jowhar (Dawan) — Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa shirkadaha diyaaradaha uga digtay inay ku milmaan arrimaha siyaasadeed ee ka jira Gobolka Hiiraan, iyadoo ku amartay inay ku ekaadaan hawlahooda ganacsi.
Warqad digniin ah oo ku taariikhaysan 1-da Nofeembar, uuna saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle, Faarax Maxamed Cismaan, ayaa lagu sheegay in shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala Garoonka Ugaas Khaliif iyo gaadiidleyda gobolka aysan qaadan karin amar aan ka soo bixin wasaaradda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in awaamiirta la xiriirta gaadiidka dhulka iyo duulimaadyada hawada ay tahay inay ka soo baxaan hay’addeeda, iyadoo dhinacyada ay khusayso ugu baaqday inay ka fogaadaan fulinta amarro kale.