Jigjiga (Dawan)– Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa Arbacadii la saxiixatay heshiis hordhac ah shirkad Shiineys ah oo soo saarta mishiinnada beeraha, si loo suurtageliyo iibsi toos ah oo qalabka beeraha ah, loona xoojiyo adeegsiga tignoolajiyada casriga ah ee beeraha, sida ay baahisay warbaahinta dawlad-deegaanka.
Heshiiskan waxaa wada saxiixday Xafiiska Beeraha ee Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo shirkadda YTO Group Corporation, iyadoo loo marayo Shirkadda Mashiinnada Shiinaha Afrika (CAMACO).
Heshiisku wuxuu u oggolaanayaa xukuumadda deegaanka inay si toos ah u soo iibsato qalabka beeraha, oo ay ka mid yihiin cagaf-cagafyada iyo mishiinnada goosashada , iyadoo laga gudbayo nidaamka ganacsatada dhex-dhexaadiya.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Maxamed Cumar, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Jigjiga.
Qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska waxaa ka mid ah:
In shirkadda Shiinaha ay bixiso taageero farsamo oo joogto ah.
In la tababaro khubaro maxalli ah oo ku takhasusay mishiinnada beeraha.






