Jigjiga (Dawan) — Waxaa si rasmi ah loo bilaabay dhismaha xarun cusub oo loogu talagalay Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo mashruucan lagu bixinayo 219 milyan oo Birr, oo u dhiganta qiyaastii $1.4 milyan oo dollar ah.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha, Axmed Shugri, iyo Wasiirka Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha, Axmed Rashiid, ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay mashruuca dhismaha xarunta cusub.
Dhismaha ayaa noqonaya G+5, waxaana loogu talagalay inuu noqdo xarun casri ah oo taageerta howlaha la xiriira maalgelinta iyo horumarinta warshadaha deegaanka.
Qorshaha dhismaha ayaa ah in lagu soo gabagabeeyo muddo hal sano iyo lix bilood ah, iyadoo shirkadda Boqore General Contractor ay fulinayso mashruuca.