Jigjiga (Dawan)– Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa ansixisay in ka badan $4.36 milyan oo loogu talagalay horumarinta wax-soosaarka qamadiga, iyadoo diiradda la saarayo sugnaanta cuntada iyo taageerada beeraleyda.
Gudiga sare ee hagista Mashruuca Horumarinta Silsiladda Wax-soosaarka Qamadiga ayaa jimcihii ansixiyay miisaaniyadda iyo qorshaha sanadka, kaasoo ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu horumarinayo wax-soosaarka qamadiga ee gobolka. Mashruucu wuxuu ka shaqeynayaa sidii loo kordhin lahaa wax-soosaarka, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo cilmi ahaan la xaqiijiyay.
Kulanka ansixinta miisaaniyadda waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiisyada bahwadaagta la ah mashruuca, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin waxqabadka sanadkii hore. Miisaaniyadda cusub ee sanadka ayaa ka badan 678 milyan oo birr, taasoo u dhiganta qiyaastii $4,365,545.
Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Beeraha, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed, ayaa sheegay in ujeedada mashruucan ay tahay horumarinta wax-soosaarka qamadiga, kordhinta wax-soosaarka, iyo u adkeynta beeraleyda cimilada isbedelaysa. Waxa uu sidoo kale xusay in mashruucu ka shaqeynayo sugnaanta cuntada, kor u qaadida dakhliga beeraleyda, iyo ilaalinta deegaanka.






