Jigjiga (Dawan)- Warbaahinta Dowlad Deegaanka Soomaalida (SRTV) ayaa sheegtay in imtixaanka xaqiijinta aqoonta mihnadeed (CoC) oo ay u fadhiisiteen 1,084 qof oo isugu jira arday qalin-jabisay iyo xirfadlayaal kala duwan.
Imtixaankan oo ka socda Kulliyadda Xirfadaha iyo Tiknoolajiyadda ee magaalada Moyale, ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo tayada iyo aqoonta dadka bartay xirfado kala duwan, ka hor inta aan loo oggolaan in ay ku biiraan suuqa shaqada.
Sida uu sheegay maamulaha Kulliyadda Moyale, Ibraahim Cali, dadka imtixaanka galay ayaa isugu jira kuwo soo qaatay tababaro waqti dheer ah iyo kuwo waqti kooban bartay xirfado ay ka mid yihiin: caafimaadka, wax-soo-saarka xoolaha iyo beeraha, waraabka, isgaarsiinta, xisaabaadka iyo maaliyadda (accounting), iyo harqaan-nimada iyo adeegyada quruxda .


