Jigjiga (Dawan)- Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa qorsheynaysa inay dhisto urur mideeya maal-gashadayaasha iyo wax-soo-saarayaasha beeraha, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo qaybtan iyo wax ka qabashada caqabadaha jira, sida uu sheegay xafiiska beeraha ee deegaanka.
Soo-jeedintan ayaa looga hadlay kulan ka dhacay magaalada Jigjiga Arbacadii, kaas oo isku keenay mas’uuliyiin, maal-gashadayaal iyo wakiillo ka socday ganacsatada, sida uu xafiisku sheegay.
Wasiirka Beeraha ee deegaanka, Cabdullaahi Maxamed Muuse, ayaa sheegay in hindisahan uu ujeedadiisu tahay in la abuuro madal ay ku midoobaan maal-gashadayaasha iyo mas’uuliyiinta si ay iskaga kaashadaan, ugana wada shaqeeyaan xal u helidda arrimaha saameeya wax-soo-saarka beeraha.
“Waxaan isugu yeernay maal-gashadayaasha iyo kuwa ka shaqeeya ganacsiga si ay u dhistaan urur meteli kara danahooda, isla markaana gacan ka geysta wax ka qabashada caqabadaha ka jira qaybtan,” ayuu yiri wasiirku.


