Jigjiga (Dawan) – Machadka Cilmibaadhista Xoolaha iyo Beeraha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, oo kaashanaya Machadka Casriyeynta Beeraha ee Itoobiya, ayaa 1,424 neef oo ari ah u qaybiyay bulshada barakaca ah ee ku nool degmada Dhekasuuftu ee gobolka Liibaan, sida uu sheegay SRTV Somali.
Xoolaha la qaybiyay ayaa qayb ka ah mashruuc loogu talagalay taageeridda bulshada barakaca ah iyo xoojinta ilaha nolol-maalmeedka ee qoysaska nugul.


