Jigjiga (Dawan) — Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa Jimcihii xabsiyada ka sii daysay 268 maxbuus oo loo fidiyay cafis munaasabadda sannadka cusub ee 2019-ka ee taariikhda dalka Itoobiya, tallaabo ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen fursad cusub oo dib loogu soo celinayo maxaabiista nolosha bulshada. Maxaabiista la cafiyay ayaa ku kala xirnaa xabsiyada deegaanka, iyagoo u xirnaa dambiyo kala duwan, waxaana cafiskooda lagu saleeyay shuruudo ay dejisay xukuumaddu.
Munaasabad lagu sagootinayay maxaabiista ayaa lagu qabtay deegaanka, halkaas oo mas’uuliyiinta hay’adaha asluubtu ay kula dardaarmeen dadka la sii daayay inay ka faa’iidaystaan fursadda loo fidiyay, kana fogaadaan fal kasta oo mar kale xabsiga ku celin kara.
Komishinerka Komishinka Booliska Asluubta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Bashiir Axmed , ayaa sheegay in cafisku aanu ku koobnayn oo keliya sii-deynta maxaabiista, balse looga gol leeyahay inay dib ugu dhex milmaan bulshada, iyagoo dhowraya sharciga iyo wada noolaanshaha.
“Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaalisaan sarreynta sharciga, kana fogaataan waxyaabaha abuuri kara nacaybka iyo isku-dhufashada bulshada, isla markaana aad ka shaqaysaan sidii aydaan mar dambe ugu soo noqon lahayn xabsiyada aad maanta cafiska kaga baxdeen,” ayuu yiri Bashiir Axmed.