Muqdisho (Dawan) – Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah Muqdisho ku qabatay xaflad loogu talagalay dhammaadka hawlgalkeeda siyaasadda ee Soomaaliya, taas oo soo afjartay 13 sano oo hawlgal ah, kaas oo ku bilowday aasaasidda Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) sannadkii 2013.
Xafladda waxaa hoggaaminayay Raisedon Zenenga, ku-simaha madaxa Hawlgalka Kaalmada Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac. Muddo-xileedka hawlgalka ayaa si rasmi ah u dhammaanaya 31-ka Oktoobar.
“Xiritaanku... ma aha dhammaadka taageerada QM, mana yareynayo ballanqaadka saaxiibbada Soomaaliya, Taa beddelkeeda, wuxuu furayaa bog cusub oo ku saabsan iskaashiga QM iyo Soomaaliya.” ayuu yiri Zenenga.
Xiritaanku wuxuu ku xigaa muddo kala-guur ah oo laba sano ah, oo ay codsatay dowladda Soomaaliya, uuna ansixiyay Golaha Ammaanka ee QM. Muddadaas, guddi farsamo oo wadajir ah uu kormeeray u wareejinta hawlaha hawlgalka hay’adaha Soomaaliyeed, kooxda hay’adaha QM ee dalka, iyo Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS).
Zenenga wuxuu u mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ogolaaday muddada kala-guurka ee labada sano ah, iyo Ingiriiska, oo hoggaamiya arrimaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, kaas oo qaraarka ku hoggaamiyay golaha. Wuxuu sheegay in markii hawlgalku bilowday 2013, Soomaaliya ay ku jirtay heerarkii hore ee dib-u-dhiska hay’adaha qaranka iyo dejinta nidaam federaal ah, kadib tobanaan sano oo colaad iyo burbur dowladeed ah. Hawlgalku wuxuu taageeray dhismaha dowlad-goboleedyada, hannaanka doorashooyinka, hay’adaha garsoorka iyo booliska, dib-u-habeynta qeybta amniga iyo nidaamyada xuquuqul insaanka, oo ay ku jirto aasaasidda Guddiga Xuquuqul Insaanka.