Soomaaliya, 20 Oktoobar 2025 — Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, ayaa habeenimadii Axadda ku dhawaaqay golihiisii wasiirrada oo ka kooban 21 xubnood, taasoo noqonaysa xukuumaddii ugu horreysay ee dowlad-goboleedkan cusub ee Soomaaliya.
Magacaabista oo lagu shaaciyay Wareegto Madaxweyne, ayaa ka koobnayd wasiirro loo xilsaaray wasaaradaha muhiimka ah sida caddaaladda, arrimaha gudaha, maaliyadda, amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada.
Madaxweyne Cabdiqaadir ayaa sheegay in magacaabistu ku timid si waafaqsan qodobka 72aad ee Dastuurka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isagoo xusay in xulashada lagu saleeyay karti, dheellitirnaan iyo adeeg dadweyne.
“Laga bilaabo caawa, 19-ka Oktoobar 2025, xubnaha Golaha Wasiirrada Dowladda Waqooyi Bari waxay noqonayaan mudanayaasha iyo marwooyinka hoos ku xusan,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiqaadir qoraal uu soo saaray.
Golaha Wasiirrada Waqooyi Bari ee la magacaabay ayaa kala ah:
1. Yuusuf Maxamed Cali — Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka
2. Axmed Cali Yakhile — Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
3. Cabdiqani Xuseen Xiraad — Wasiirka Maaliyadda
4. Aadan Jaamac Muuse — Wasiirka Caafimaadka
5. Cali Dhakawey Warsame — Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
6. Cabdirisaaq Faarax Warsame — Wasiirka Amniga
7. Daahir Cabdirisaaq Axmed — Wasiirka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare
8. Cabdiraxmaan Maxamed Faarax — Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha
9. Khadar Cabdi Maxamed — Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda
10. Sahra Maxamed Cabdi — Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
11. Maxamed Cabdi Warsame — Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
12. Fadumo Cabdi Jaamac — Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
13. Axmed Maxamed Cumar — Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
14. Cabdirisaaq Cali Xasan — Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Dib-u-dhiska
15. Maryan Cali Nuur — Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
16. Cabdiwali Aadan Maxamed — Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
17. Fowsiya Cabdi Nuur — Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
18. Cabdiraxmaan Maxamed Xasan — Wasiirka Warfaafinta, Warbaahinta iyo Isgaarsiinta
19. Siciid Axmed Xirsi — Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Samafalka
20. Xaliimo Maxamed Xasan — Wasiirka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka
21. Cumar Maxamed Cabdi — Wasiiru-dawlaha Xafiiska Madaxweynaha
Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah loo aasaasay horraantii sanadkan, taasoo ka dhigtay dowlad-goboleedka lixaad ee Dowladdda Federaalka Soomaaliya. Baarlamaanka deegaanka ayaa 30-kii Agoosto 2025 doortay Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, iyadoo hadda la diyaarinayo xafladdii caleemo-saarkiisa ee lagu qaban doono magaalada Laascaanood.



