Jigjiga (Dawan)— Xafiiska Maareynta Khatarta Masiibooyinka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa Isniintii gargaar cunto u qaybiyey 700 oo qoys oo ku kala nool afar degmo oo ka tirsan bedka Daawa, taasoo qayb ka ah dadaallada bini’aadantinimo ee lagu taageerayo qoysaska nugul inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Qaybinta waxaa hoggaaminayey koox ka kooban masuuliyiin ka socday xafiisyada caafimaadka, biyaha, horumarinta xoolaha iyo waxbarashada ee gobolka.
Cabdi Fataax Maxamed, ku-xigeenka wasiirka xafiiska masiibooyinka, ayaa si gaar ah u kormeeray gaarsiinta agabka loogu talagalay 400 oo qoys oo ku nool magaalada Moyale, iyadoo xirmooyinka gargaarku ay ka koobnaayeen bariis, daqiiq, sonkor, saliid iyo timir.








