Muqdisho (Dawan) – Wasiirrada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mabda’ ahaan isku raacay heshiis lagu mideynayo canshuurta iibka, kaas oo la filayo inuu dhaqan-galo 1-da Janaayo 2027.
Go’aankan ayaa ka soo baxay kulankii 25-aad ee Madasha Wasiirrada Maaliyadda, oo 18-kii iyo 19-kii Nofeembar lagu qabtay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war-murtiyeedka laga soo saaray kulanka.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigay qabyo-qoraalka heshiiska hirgelinta canshuurta iibka ee heer dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale faahfaahin laga bixiyay ujeeddooyinka heshiiska, habka loo hirgelinayo iyo doorka maamul kasta ku leeyahay xaqiijinta nidaam canshuureed oo mideysan.
Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in wasiirradu ay si qoto dheer uga doodeen qodobbada heshiiska, ugu dambeyntiina ay mabda’ ahaan isku raaceen dhammaystirka iyo hirgelinta mideynta canshuurta iibka. Waxaa sidoo kale la isku raacay in hawlaha farsamo ee weli dhiman la soo gabagabeeyo ka hor bisha Janaayo 2027.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay qaybinta qoondada Mashruuca Maalgelinta Kharashaadka Joogtada ah iyo Dib-u-habeynta (RCRF) ee sannadka 2027, taas oo loogu talagalay taageerada miisaaniyadaha dowlad-goboleedyada. Waxaa la isku raacay in maamulladu si siman u wadaagaan qoondada.