Muqdisho (Dawan) – 40 dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa dhammaystay tababar ku saabsan xirfadaha warbaahinta digital-ka, kaas oo ay iska kaashadeen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) iyo Machadka SODEMY, si ay dhallinyaradu u helaan xirfado ay kaga faa’iidaysan karaan fursadaha sii kordhaya ee warbaahinta internet-ka.
Intii uu socday tababarka, oo muddo laba bilood ah socday, ardayda waxaa la baray qorshaynta nuxurka, duubista muuqaallada moobeelka, tafatirka iyada oo la adeegsanayo barnaamijka CapCut, sheeko-tebinta, adeegsiga qalabka garaad gacmeedka (AI) iyo maamulka baraha bulshada. Arbacadii ayay ardaydu magaalada Muqdisho ku qabteen xaflad qalin-jebin ah, halkaas oo ay ku soo bandhigeen mashaariicdii ay diyaariyeen intii uu tababarku socday, waxaana la guddoonsiiyay shahaadooyin.
Tababarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dadka Soomaaliyeed ee isticmaala internet-ka iyo baraha bulshada. Sida ay sheegtay hay’adda xogta ee DataReportal, Soomaaliya waxaa sannadka 2026 ka jira 12.7 milyan oo khadadka moobeelka ah iyo 4.45 milyan oo isticmaala baraha bulshada. Qiyaastii 75% dadka Soomaaliyeed ayaa ka yar 30 sano, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, halka Bangiga Adduunku uu shaqo la’aanta dhallinyarada ku qiyaasay 34%.
Tababare Cabdulmaalik Cabdulqaadir ayaa sheegay in qalin-jebintu aysan ahayn dhammaadka safarka ardayda, balse ay u tahay bilowga fursado cusub. “Qalin-jebintu ma aha dhammaadka safarka, waa bilowga fursad cusub oo ardaydeenna u furantay,” ayuu yiri Cabdulmaalik. Wuxuu intaas ku daray in ardayda qalin-jebisay ay wax weyn ku soo kordhin doonaan warshadaha warbaahinta digital-ka, isla markaana ay bulshadooda u noqon doonaan wakiillo horseeda isbeddel wanaagsan.
Xoghayaha Guud ee FESOJ, Faarax Cumar Nuur, ayaa sheegay in ururku uu iskaashigan uga qayb qaatay sidii loo hubin lahaa in dhallinyarada la baro xirfadaha digital-ka, isla markaana lagu tababaro anshaxa saxaafadda iyo xeerarka khuseeya mihnadda.