Soomaaliya, 18 Nofeembar 2025 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii Muqdisho ka bilowday hirgelinta hannaan lagu mideynayo maamulka casriga ah ee dowladda, iyadoo la qaaday tallaabadii ugu horreysay ee lagu dhisayo nidaam isku-dhafan oo ku saleysan xog mideysan, adeegyo dijitaal ah, iyo isla-xisaabtan ka dhaxeeya hay’adaha dowladda.
Kulankan oo ah kii ugu horreeyay ee Guddiga Dowladnimada Danabeysan — guddigii uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre — ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa habraacyada dowladda, loo yareyn lahaa iskudhicitaanka nidaamyada kala duwan, loona abuuri lahaa hal nidaam oo casri ah oo si hufan uga shaqeeya dhammaan wasaaradaha.
Shirka oo uu guddoominayay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Maxamed Aadan Macallin, ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasaaradaha Qorsheynta, Maaliyadda, Waxbarashada, Ganacsiga, Caafimaadka, Shaqada, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Gudaha, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xafiiska Madaxweynaha.








