Baydhabo (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay sii wadi doonaan howlaha, kadib is-casilaadda madaxweynihii maamulkaas, iyadoo la doonayo in la ilaaliyo xasilloonida iyo adeegyada bulshada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe”, oo Baydhabo kula hadlay warbaahinta caawa oo Arbaco, ayaa ku amray xafiisyada wasaaradaha iyo hay’adaha maamulka inay sii wataan shaqadooda ilaa bdalkooda ay doorsaho ku imaanayaan.
Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay farayso hay’adaha maamulka inay sii wadaan howlaha, isla markaana aan la hakinin mashaariicda socota.
“Waxaan awaamiir ku bixiney in hay’adihii maamulka ay shaqeeyaan, mashaariicdii socotey aan la hor istaagin, hay’adihii deeq bixiyaasha ay howshoodu wataan, sidoo kale dugsiyada waxbarashada iyo adeegyada bulshada caadi kusoo laabtaan,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha deeq bixiyaasha inay sii wataan howlaha gargaarka, gaar ahaan taageerada dadka ay abaaruhu saameeyeen.


