Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa mucaaradka ku eedeeyay in la siiyay afar milyan oo doollar si ay Muqdisho u dumiyaan, isaga oo lacagtaas ku tilmaamay mid aad u yar. “Afar milyan oo doollar baa la yiri Muqdisho ku dumiya. Afar milyan oo doollar keliya la soo siiyay!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa lacagtaas barbar dhigay qiimaha dhismayaasha caasimadda, isaga oo sheegay in xitaa hal dabaq oo ka mid ah dhismayaasha ku yaalla KM4 uu ka qiimo badan yahay lacagtaas.
“Hal sar oo nambar afar ku taalla ayaa ka qaalisan afartan milyan,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in lacagta uu sheegay in kooxahaasi qaateen ay muujinayso hunguri yari, isaga oo ku dooday in haddii ay wax dhaqaale ah raadinayeen ay ahayd inay dalbadaan lacago ka badan, wuxuuna yiri, “Hunguri yarida xitaa nimankaan... haddii ay wax soo qaadanayaan, hadda ka hor ayaan sheegay, war bilyan, laba bilyan iyo saddex may soo qaataan!”